Wednesday, March 6, 2013

Wiil Qoorta Iska Jaray Kadib Markii Laga Badiyay Kooxda Manchester united ! Dhacdo Layaab Leh


Xiddigii hore ee Manchester United Cristiano Ronaldo ayaa goolka guusha ka dhaliyay kooxdiisii hore kaasoo keenay in Real Madrid ay 2-1 guushii kala hoyaado Old Trafford isla markaana ay diyaarsadaan booskooda Champions League ee wareega 8da.

United, ayaa 1-0 hogaanka ku qabatay markii difaaca Real, Sergio Ramos uu gool iska dhaliyay daqiiqadii 48d hayeeshee ciyaartii ay mar qura is badashay markii garoonka laga saaray ninka baalka kaga ciyaara United, Nani kaasoo calaamadda cas qaatay daqiiqadii 56d.


Luka Modric, oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa 10 daqiiqo kadib dhaliyay goolkii bareejada ahaa kaasoo 7 daqiiqo oo kaliyaha garoonka ku jiray.

Waxey habeen taariikhi ah u aheyd garoonka Old Trafford 39-sano jirka reer Welsh, Ryan Giggs kaasoo saftay kulankiisii 1,000d halka Ronaldo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka markii ugu horeysay tan iyo markii uu ka aaday Real 2009.

Real waxey dooneysaa in ay qaado horyaalkii 10aad ee horyaaladda kooxaha Yurub.

hadaba malaayin qof oo taagero u ahaa kooxda MANCHESTER UNATED Ayaa Aad Uga Carooday Guuldaradaasi Waxaana Dhacday In Dad Badan La Jiifan Waayeen Muragada Guuldaradaasi darteed Sidoo kalena Waxaa Jira Taageerayaasha Man- United Ee Ciil DartiiS Dhibaatooyinka Is Gaarsiiyay Ee Ilaa Iyo hada Saxaafada ay Ka war hayso Waxaa Ka Mid ah WIIL 22 JIR AH OO QUDHA ISAGA JARAY MARKI LAGA BADIYEY KOOXDA UU TAAGEERAYAY EE XALAY DHABAR JABKA KALA KULMAY REAL MADRID EE MAN-UNITED

Arintaan ayaa Noqotay Mid ay Si weyn Uga Naxeen dhamaan shacab weynaha Caalamka Gaar ahaan Taageerayaashii Man United